Madaxweynaha Sudan oo qaabilay Wiilkii Enjineerka Saacadaha ee lagu xiray Maraykanka

Madaxweyne Omar Hassan Albashiir waxa uu dhawaan Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum ku qaabilay  Ahmed Mohamed Al-hassan oo ah Wiilkii Ardayga ee lagu xiray Maraykanka, kadib, markii uu sameeyey Saacad.

Ardaygaas oo dhigan jirey Dugsiga Sare ee MacArthur High School oo ku yaalla Deegaanka Irving ee dalka Maraykanka  ayaa waxay Ciiddanka Ammaanka Maraykanka xireen, kadib, markii laga shakiyey Saacad uu farsameeyey, oo loo qaatay inuu Bam ahaa.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa qoray in Kulanka Madaxweyne Albashiir iyo Ardaygaas ay goobjoog ka ahaayeen Hooyadiisa iyo Aabihiisa, Mohamed Alhassan Mohamed, kaasi oo labo jeer Xilka Madaxtinimadda kula tartamay Madaxwyne Albashiir.

Labada Hoggaamiye oo horey u ahaa Mucaarad ayaa waxay si farxad leh isugu qaabileen muddadii ay joogeen Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum.

Aabe Mohamed Alhssan waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Madaxweyne Albashiir si xushmad leh u qaabilo Wiilkiisa Ahmed.

Si kastaba ha ahaatee, Familka Wiilkaasi ayaa sheegay inay ka fekerayaan Dugsiga uu ku biiri doono Wiilkooda marka uu nasto, isla markaana ay soo gebagebeeyaan safarkooda.

1 2 3 4 5 SUDAN STUDENT sudan2

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Xigasho: Daily Mail.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor