Madaxweynaha Sudan oo ka qeyb geli doona Shir-madaxeedka  Ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Ibraahin Qanduur ayaa sheegay inuu Madaxweyne Omar Hassan Al-bashiir ka qeyb geli doono Shirkaasi oo isbuucan ka furmi doona caasimadda dalka Urdu nee Camaan.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inuu Booqrka Urdun, C/llaahi Bin Xuseen uu ku casuumay Shirkaasi, inkastoo ay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ku baaqday in Albashiir loo diido Shirkaasi ama la xiro haddii uu yimaado dalka Urdun.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay inay Dowladda Sudan kala shaqeynayso Dowladaha Chad iyo Garansiiska sidii lagu heli lahaa Muwaadin Faransiis ah, kaasi oo lala so ogalay gudaha dalka Sudan.

Ninkaasi waxaa Khamiistii hore laga soo afduubtay Deegaanka laga qodo Macdanta oo ku taalla dalka Chad.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media