Madaxweynaha Sudan oo booqan doona Addis Abeba.

Madaxweynaha dalka Sudan, Omar Hassan Al-bashiir ayaa la filayaa inuu maalinta Talaadada ee soo socota booqasho ku tago Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Sida uu qoray Wargeyska Sudan Tribune, waxa uu Madaxweynee Al-bashiir la kulmi doonaa Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Hailemariam Desalgn oo ay ka wada hadli doonaan Xoojinta Xiriirka Labada Waddan.

Hoggaamiyayaasha waxaa wada-xaajoodkooda udub dhexaad u noqon doona sidii ay u kala saxiixan lahaayeen Heshiisyo  iyo Is-fahamka labada dhinac.

Madaxweyne Al-bashiir waxaa kaloo la filayaa inuu booqdo qaar ka mid ah Wershadaha Ethiopia

Labada Waddan waxaa ka dhexeeya Heshiisyo badan oo Iskaashiga, oo ay ku jiraan Korontadda, Ammaanka, Kaabayaasha iyo qeybaha kale.

©Radio Dalsan