Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxaya qaar ka mid ah Wadamada Afrika

Madaxweynaha DFS, ayaa la filayaa inuu berri subax u ambabaxo  magaalladda Nairobi, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono Munaasabadda berrito lagu caleema saarayo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Xilli Labaad loo doortay Xilkaasi.

Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Kenya, Eric Kiraithe ayaa xaqiijiyey inuu Madaxweynaha Somalia ka mid yahay Madaxda Caalamka ee lagu casuumay Munaasabdaas Taariikhiga ah.

Sidoo kale, Madaxda Caalamka ee lagu casuumay Caleema-saarkaasi waxaa ka mid ah Hoggaamiyaayasha dalalka Djibouti, Uganda, Tanzania, Ethiopia, Zambia, Botoswana, Togo, Namibia iyo Rwanda.

Waxaa kaloo Munaasabadaasi lagu casuumay Madaxweyne-ku-xigeeno ama Ra’isul-wasaarayaal ka kala socda dalalka Nigeria, Angola, Kongada Dimquraadiga, Burundi, Yemen, Gini, Senegal iyo Yuhuudda.

Wafuudda Heerka Wasiirka ee ka qeyb geli doono Calaeema-saarka Uhuru Kenyatta waxay ka kala imaan doonaan dalalka Britain, South Afrika, Yukrayn iyo Hindiya.

Dhinaca kale, Wafdiga Dowladda Maraykanka u matali doona Munaasbadaasi waxaa hoggaaminaya Danjirahooda u jooga Kenya, Ambassador Robert Godec.

Si kastaba ha ahaatee, miisaaniyad dhan 384 million oe Shillinka Kenya ah ayaa loo qoondeeyey in lagu kharaj gareeyo Munaasbadda Caleema-saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo  lagu qaban doonaa Garoonka Ciyaaraha ee Moi International Sports Centre oo ku taalla Xaafadda Kasaraani ee magaalladda Nairobi.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa kale oo uu ka  qeyb geli doonaa Shirweynaha Madaxda Dowladaha Afrika iyo kuwa Midowga Europe, kaasi oo maalmaha Arbacada iyo Khamiista lagu qaban doono magaalladda Abijaan ee dalka Ayfori Koosti.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media