Madaxweyne Xasan oo Shaaciyay in Dhuusamareeb Ay Noqoneyso Xarunta Maamulka G/Dhexe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada dhuusamareeb waxaana uu kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka ee halkaasi ku sugan.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxaa uu soo xeray shir odayaasha dhaqanka bilihii dambe uga socday Magaalada dhuusamareeb.

Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa waxaa uu sheegay in shirka maamul usameynta Gobolada Dhexe lagu qaban doono 11-ka bishan Magaalada Cadaado.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Caasimada Gobolada Dhexe ay noqon doonto Magaalada Dhuusamareeb.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya Xilli Mudooyinkii dambe leesku mari weysanaa halka lagu qabanayo shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe.