Madaxweynaha Soomaaliya oo Maalmo kadib ku soo laabtay M/Muqdisho

Maxamed cabdullaahi (Faramajo) Madaxweynaha dowladda Federaalka Somaaliya ayaa maalmo kadib waxa uu Maanta dib ugu soo laabtay Caasimada dalka Somaaliya ee Magaalada Muqdisho,iyadoona siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan dowladda ayaa waxay booqashooyin kala duwan ugu maqnaayeen Wadamada Sucuudiga Jabuuti iyo Safarkii ugu dambeeyay oo uu Maanta uga yimaadeen Magaalada doxa ee Wadanka Qadar.

Inta uu maqnaa madaxweynaha waxa uu la kulmay Madaxda Wadamada uu booqday,isagoo kala hadlayay arimo ay kamid yihiin amniga dhaqaalaha iyo waliba sidoo kale xoojinta xiriirka Wadamadaas.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa sidoo kale waxa uu dalka sucuudiga kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump,kadib markii uu dhamaaday shirkii Wadamada Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka ee ka furmay Gudaha dalkaasi Sucuudiga isagoo kala hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa la dagaalanka Al-Shabaab

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media