Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan dalka Uganda

Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay Maanta u amba baxaan Wadanka Uganda.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka noqon doona Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya,waxaana la sheegay in sababta uu halkaasi u tagayo ay tahay Casuumaad uu ka helay Dhigiisa dalkaasi Uganda Uganda Yoweri Museveni.

Dowladda Uganda ayaa Soomaliya waxaa ka jooga ciidamo farabadan kuwaas oo ku howgalla Magaca Amisom iyagoo dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawiyda dhanka amniga iyo dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha dalkaasi Uganda Yoweri Museveni,isagoo kala hadli doona arimo ay ka mid yihiin xaalada amni ee dalka Soomaaliya iyo sidii dowladda Uganda u ballaarin laheyd taageerada ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media