Madaxweynaha Soomaaliya oo ku soo laabtay Magaalada Muqdisho

Waxaa Dalka dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hor kacayo, markii ay kasoo qayb galeen Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee lagu qabtay Dalka Turkiga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka kala socotay golayaasha Dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii shirkaasi ka qayb gashay, iyadoo ay hoggaamiye walba ka wada hadlayeen xoojinta xiriirka waddamadooda.

Madaxweynaha ayaa Turkiga kaga soo qeyb-galay shir deg-deg ah oo ay isugu imanayeen Madaxda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka( OIC ),markii uu madaxweynaha dalka Maraykanku ku dhawaaqay in magaalada Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media