Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir madaxeedka Midowga Afrika

Shir madaxeedka wadamada Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in maalinta beritu ah uu ka furmo magaalada Addis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya,kaasi oo ay ka qeybgalayaan hoggaamiyaasha Dowladaha Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo  iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya shirkaasi,iyadoo lafilayo in madaxweyne Farmaajo  uu maanta u amba boxo Dalkaasi Itoobiya.

Shirka oo uu socondoono muddo labo maalmood ayaa looga arrin sanaya xoojinta nabadageliyada,ladagaalanka Musuqa iyo Arggagixisada ee Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay madasha shirkaasi waxaa la filayaa in kulamo uu la yeeshey madaxda hoggaamiyaasha dalalka Afrika ka socda.

Shirkaasi ayaa lagu casuumay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuumaasin oo halkaasi ka jeedin doona khudbad la xiriirta arrimaha Falastiin iyo Israel,isagoo sidoo kale soo bandhigi doona aragtidiisa ku aadan go’aankii madaxweyne Trump ee Qudus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media