Sawirro:-Madaxweynaha Soomaaliya oo Goordhow gaaray dalka Jabuuti

Waxaa goordhow Caasimadda dalka Jabuuti ee Djabuuti gaaray Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Maxamed farmaajo.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Sooamaliya ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha dalka jabuuti ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaas iyo Madax kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Dalka Itoobiya isaga oo Ra’iisul Wasaaraha dalakaas kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Maalin ka hor tegay dalka Uganda isaga oo Madaxweynaha dalkaas Uganda ay isla gaareen Go’aan ah in Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ay ka qeyb qaataan weeraro lagu qaado fariisimaha Al-Shabaab ee Gobolada dalka Soomaaliya.

Saacadaha soo socda ayaa qorshuhu yahay in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ay ciidamadiisa joogaan Gobolka Hiiraan ay iyana ka mid noqdaan howlgalka ku wajahan deegaanada Al-Shabaab.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media