Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Magalada Baladweyne

Magalada Baladweyne ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle.

Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle Maxamed cabdi Waare iyo masuuliyn ka tirsan Maamulka gobolka ayaa Madaxweynaha soo dhaweeyey,waxana la filayaa in uu la kulmo Shacabkii uu saameeyey fatahaada Wabiga ee Magalada Baladweyne.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ujeedka safarkiisa ee Baladweyne waxa uu ka dambeeyey kadib markii Wabiga Shabeelle uu ku soo fatahay magalada Baladweyne taas oo sababtay in badi dadkii deganaa Baladweyne ay barakacaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media