Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya,waxana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxana inta badna xiran Wadooyinka Magaalada Kismaayo iyadoo lagu arkayo Ciidamada kenya iyo kuwa Jubbaland oo amaanka siweyn u adkeynaya.

Madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu sareysa Maamul Goboleedka Jubbaland.

Goordhow la socda sawirada soo dhaweynta