Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Guriceel

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha  Jamhuuriyadda Soomaaliya Mafane Maxamed C/llaahi Farmaajo  ayaa maanta gaaray magaalada Guraceel ee gobolka Galgaduud,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Waxaa ku soo dhaweeyey halkaasi mas’uuliyiinta maamulka,waxgarad iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada,iyadoo amaanka magaaladaasi siweyn loo adkeeyey.

Madaxweynaah Soomaaliya waxaa ku wehliya safarkiisa madaxweynaah Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf,madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa la filayaa in halkaasi uu kula kulmo madaxda Galmudug,iyo qeybaha bulshada,waxaana madaxweynaha uu ka dhageysandoonaa bulshada warbixino ku aadan xaaladohooda nololeed iyo baahiyaha ay qabaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo  iyo wafdigiisa ayaa weli ku guda jira booqasho uu ku marayo deegaanada Galmudug,isagoo horey u soo maray Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media