Madaxweynaha Soomaaliya oo Boqorka Sacuudiga uga tacsiyeeyey geeridii Amiir Turki bin Abdulaziz Al Saud.

Muqdisho, 12 November 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Turki bin Abdulaziz Al Saud.

Madaxweynaha ayaa tacsidan u direy Boqorka Sacuudiga, qoyskii, eheladii iyo shacabka Sacuudiga oo uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Amiir Turki bin Abdulaziz Al Saud. Madaxweye Xasan Sheikh Maxamud ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun Allaha u naxariisto Amir Turki bin Abdulaziz Al Saud oo ka mid ahaa qoyska Boqortooyada Sucuudiga. Waxaan Boqorka Sacuudiga, qoyska boqortooyada iyo shacabka Sacuudiga u dirayaa tacsi wallaaltinimo, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Amiir Turki bin Abdulaziz Al Saud uu samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, Jannadii Firdowsana Allaha ka waraabiyo. AAMIIN.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Amiir Turki Abdulaziz Al Saud uu ahaa shaqsi door wanaagsan ka soo qaatay horumarka dalka Sacuudiga.

—Dhammaad–

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor