Madaxweynaha Somaliland oo safarkiisii ugu horreeyay ugu duulay Jabuuti

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Socdaalka madaxdeyne Muuse Biixi Cabdi iyo wafdiga uu horkacayo ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyay ee uu ugu socdaalo dibadda tan iyo markii la doortay 13-kii bishii diseember ee sanadkii 20117.

Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibedda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halkaasina uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadaneysa laba maalmood oo maanta u bilaabaneysa.

Wasiirku wuxuu sheegay sidoo kale in labada dhinac ee walaalaha ahi ay ka wada hadlayaan sii xoojinta xidhiidhkooda dhinacayada ganacsiga , socdaalka , nabadgelyada , siyaasadda iyo dhaqanka ee horey uga dhexeeyay .

Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay wafdigii ugu ballaadhnaa oo afar wasiir iyo xubno ka tirsan baarllamaankeeda u soo dirtay xafladii caleemo-saarka madaxweyne Muuse Biixi oo ka dhacday magaalada Hargaysa 13-kii bishii December 2017 .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media