Madaxweynaha Somalia oo shaaciyey tiradda Cod-bixiyayaasha dooranaysa Barlamaanka cusub ee Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay 14,000 oo qof soo dooran doonaan Barlamaanka cusub ee uu dalka yeelanayo dabayaaqadda sannadkan.

Madaxweynaha ayaa arrinkaasi ka sheegay Warbixin uu xalay u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM oo ka wada hadlayey Xaalladihii ugu dambeeyey ee Arrimaha Somalia, wuxuuna sheegay in Nidaamka Doorashadda Somalia ee sannadkan ka muuqanayso Horumar badan oo Dimquraadi ah.

Waxa uu tilmaamay in Barlamaanka haatan dhisan ay soo soo doorteen 135 Odayaal Dhaqameed sannadkii hore, balse Barlamaanka cusub waxaa soo dooran doona 14,000 oo Muwaadiniin, kuwaasi oo loo qoondeeyey inay u codeeyaan Barlamaanka cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dowladiisa ku fashilantay inay dalka gaarsiiyaan Doorashadda hal qof iyo hal cod (One Man and One Vote) ayaa sheegay in Doorashadda noocaasi ah Somalia laga qaban doono sannadka 2020-ka.

Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu Khudbadiisa kaga hadlay Dadaalka Dib-u-dhiska  iyo Soo-celinta Nabadda Somalia, wuxuuna xusay inay Ciiddanka Qaranka iyo kuwa AMISOM guul ka gaareen La-dagaalanka Alshabaab.

Waxa uu intaasi ku daray in  Alshabaab laga saaray Muqdisho sannadkii 2011-kii, balse aan weli laga guulaysanin, maadaama ay Dowladda Federalka weli tahay mid tabar daran, waa sida uu hadalka u yiri.

“Argagixisadda iyo Dagaalladda Xag-jirnimadda ayaa weli cabsi taagan ah, inkastoo ku-dhawaad 80% dalka lagala wareegay Alshabaab” ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi ku daray inaysan is-casili doonin ilaa si guul leh loagu soo dhamaystiro.

Madaxweyne Xsaan Sheekh Maxamuud waxa uu ugu baaqay Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM in Somalia laga qaado Xayiraadda Hubka iyo in taageero xooggan laga geysto Dib-u-dhiska Milliteriga Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor