Madaxweynaha Somalia: “Dowladda waa inay kala doorataa in Ciiddanka la siiyo Mushaar ama Hub…”

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu isbuucii hore (April 5-dii) siiyey Wargeyska The Washington ee ka soo baxa dalka Maraykanka.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inaysan Dowladda Federalka awood u lahayn inay Ciiddanka mushaar siiyaan iyo inay hub u iibiyaan, wuxuuna xusay inay taasi tahay dhibaato Dowladda haysato.

“AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda waxay ku harsan yihiin Difaacyadda Qalcadaha, Hawlgallada aad bay u yar yihiin, waxayna taasi fursad siisay Alshabaab” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu qiray inay Alshabaab soo laba kacleeyeen, isla markaana Dowladda awoodi karin inay sugaan Ammaanka Goballadda lagala wareegay Alshabaab.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Maalgashiga Caalamiga ee Dowladda Federalka, C/salaam Hadliye Omar oo la hadlay Wargeyska the Washington Post ayaa sheegay inay Alshabaab fursad u heleen inay sii dhiiradaan, wuxuuse hoosta ka xariiqat inay Dowladda si adag ugu hawlan tahay Deganaanshaha dalka.

Saraakiisha Milliteriga ee Reer Galbeedka ayaa rumeysan inaysan  Ciiddanka Dowladda Federalka haysanin qalab casri ah,  tababartooda kooban tahay, isla markaana aysan mushaar joogto ah qaadanin.

©Radio Dalsan

Xigasho: The Washington Post

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor