Madaxweynaha Somaaliya oo markii labaad safar ku tagaya Dalka Sucuudiga

Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) ayaa la filayaa in uu u ambabaxo Markii labaad dalka Sucuudiga kaas oo diyaar garoowga safarkiisa uu ka socdo magaalada Muqdisho.

Ujeedada safarka madaxweynaha ee dalka Sucuudiga ayaa lagu shegay in uu halkaasi uga qeybgeli doono shirka Wadmada ku midoobay Jaamacadda Carabta iyo dowladda Mareykanka oo lagu qabanaayo Gudaha dalkaasi Sucuudiga.

Warqad Casuumaad ah ayaa Boqorka dalka Sucuudiga waxa uu usoo diray Madaxweyne Farmaajo,sababo la xiriira in uu ka qeybgalo shirkaas maadaama Somaaliya ay xiligaan kamid tahay Wadamada ay dhibaatooyinka ka jiraan kuwaas oo u baahn in loo gurmado ama la caawiyo.

Hadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) uu tago dalka Sucuudiga waa markii labaad uu halkaasi tago isagoona inta uu ku sugan yahay kulamo la qaadan doono madaxda dalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media