Madaxweynaha: “Qaramada Midoobay door  weyn ayay ku leedahay dib u soo kabashada Soomaaliya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Xarunta Madaxtooyada ku qaabiley, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca arrimaha siyaasadda, Danjire Jeffrey Feltman oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Danjire Feltman uga mahad celiyay booqashada uu ku yimid dalka, oo uu tilmaamey inay muhiim u tahay Soomaaliya oo qaadeysa talaabooyin taariikhi ah oo dhinaca siyaasadda iyo dib u qaabeynta mustaqbalka waddanka la xiriira.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Soomaaliya ay si tartiib ah u soo kabaneyso, taasina ay ku timid wadashaqeynta iyo wadaxaajoodyada muhiimka ee dhexmaraya Soomaalida.

“Wax badan ayaa inoo qabsoomay, wax baddan way inoo dhiman yihiin. Waxaan xoogga saarnay saddex ajenda oo laf-dhabar u ah dib u dhiska Soomaaliya. Waxaana saddexdaasi arrimood ay kala yihiin hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, arrimaha amniga oo Golaha Nabadgelyada Qaranka oo aan ku soo darney maamullada dalka ka jira iyo qeybsiga kheyraadka. Dhanka kale aad baan uga mahad celinayaa Qaramada Midoobay oo door weyn ku leh dib u soo kabashada dalkeena, anigoo rajeynayaa inay sii waddo taageerada ay inoo fidiso’’’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka warbixiyey baahida loo qabo isku dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada AMISOM iyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida Al Shabaab.

Danjire Feltman, ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku ammaanay go’aankii dhowaan ay qaateen ee meel marinta nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadkan, isagoo sheegay inay tallaabadaasi ay taageereen, si weyna ay u soo dhoweeyeen dalalka gobolka, caalamka iyo Qaramada Midoobay.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Danjire Feltman ay ka wadahadleen shirka ka dhici doona magaalada Istanbul bishan February dhammaadkeeda ee ay isugu imanayaan Soomaaliya iyo waddamada iskaashiga la leh, shirka ka dhacaya magaalada Djibouti ee ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa xarumo ay ku bartaan mihnadaha kala duwan, loona heli lahaa maalgashi sahlaya fursado shaqo.

Danjire Feltman ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u taageereyso Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaalida ugu baaqey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dib u soo kabashada dalkooda, kana faa’iideystaan taageerada beesha caalamka.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

UN1 UN4 UN3 UN2

————-DHAMMAAD—————–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor