Madaxweynaha Puntland oo weli ku jira Safarkiisii Qaarada Yurub

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada Guthenburg ee caasimada labaad ee dalkaasi Sweden.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo weli ku guda jira safarkiisa uu ku marayey qaar ka mida wadamada Yurub, gaar ahaan England, Norwey, Sweden iyo Finland ayaa maanta si balaadhan waxaa loogu soo dhaweeyey magaalada Guthenburg oo ah magaalo ay ku badan yihiin jaaliyada Puntland ee Soomaaliya.

Soo dhawaeynta Madaxweynha Dawladda Puntland  iyo weftigiisa oo ahayd mid balaadhan ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada Guthenberg ee wadankaasi Sweden, waxaana kasoo qayb galay soo dhawaynta madaxweynaha qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Puntland oo ay hor kacayeen odayaasha, waxgaradka, iyo aqoonyahanada jaaliyadaha.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo shacabkii soo dhaweeyey umahadnaqay, ayaa hadal kooban ugu jeediyey dadweynihii soo dhaweeyey waxaa uu si weyn ugaga mahadnaqay soo dhawaynta iyo sida bilicdasan ee ay usoo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.

” waxaan idiinkaga mahadnaqayaa sida balaadhan ee aad aniga iyo weftigayga usoo dhawayseen, waana wax wanaagsan oo i farxad geliye, waxaadna noo muujiseen dareen wanaagsan oo yididiilo wanaagsan igu abuuray, waana idiinka mahadnaqayaa si balaadhan oo farxadi ku dheehan tahay, waan idinla joogi doonaa dhowr berri, waxaynuna wada qaadan doonaa wakhti wanaagsan, maadaama aad qabowga mudo taagnaydayn si aad noo soo dhawaysaan waxaan kusoo koobayaa, waxaan isku xogwaraysan doonaa kulankeena danbe”, ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ugudanbayn: Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku sugnaan doonaa mudo labo maalmood magaalada Guthenberg, kadibna uga sii gudbi doonaa caasimada wadanka Finland ee Helsinki halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Jaaliyadaha Puntland iyo guud ahaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi.

      –DHAMMAAD– 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media