Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Shaqsigii bedeli lahaa xilkii uu baneeyay Wasiirka Maaliyadda Puntland

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa Maanta lagu Magacaabay gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Karkar Maamulka Puntland.

Xilkaan ayaa waxaa loo Magacaabay Cabdulaahi Maxamed Barre Caato kaas oo horay u soo noqday wasiir Ku Xigeenkii  Wasaarada Xanaanada Xoolaha xiliiga uu Puntland Maamulayay Generaal Cadde Muuse Xersi.

Sidoo kale xilka gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa waxaa horay u baneeyay Cabdullaahi Siciid Xersi Dhaqaajiye oo hadda ah Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media