Madaxweynaha Puntland oo Maanta ku wajahan Magaalada Gaalkacyo

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug uu gaarao wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Putland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

Wafdiga Madaxweyne Gaas,ayaa Gaalakcyo uga qeybgeli doona Aas Qaran oo Maanta Gaalkacyo loogu sameynayo Fiqi Bashiir Cabdule Cismaan oo ka mid ah Waxgaradka ugu Caansan deegaanada Puntland kaas oo dhawan ku geeriyooday dalka Sweden.

Magaalad Gaalkacyo ayaa haatan laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Gaas, iyo Aaska loo sameyn doono Marxuum Fiqi Bashiir Cabdule Cismaan.

Saakay 9:30 ayaa Gaalkacyo loogu samayn lahaa Fiqi Bashiir Cabdule Aas Qaran balse dib loo dhigay kadib markii ay dalbadeen wufuudii ka qeybgeli laheyd Aaska in ay ay soo daahayaan,balse haatan ayaa waxaa si kala Gooni gooni ah Magaalada u tagaya Wufuud kala duwan