Madaxweynaha Puntland oo Maanta hortegaya Baarlamaanka Maamulkaas

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas  ayaa lagu wadaa in Maanta oo Sabti ah uu furo kal-fadhiga 41aad ee baarlamaanka Maamulkaas,kulankaas oo noqonaya kii ugu dambeeyey sida uu qabo Dastuurka Maamulkaas.

Madaxweyne Gaas ayaa qorshuhu yahay in Maanta uu jeediyo Khudbad dheer oo uu kaga hadi doono Waxqabadka Maamulkiisa iyo xiisadaha Siyaasadeed ee ka jira waqtigaan deegaanada maamulka Puntland iyo Arrimo kale.

Sidoo kale kulanka Baarlamaanka Puntland eee Maanta ayaa lagu falanqeyn doonaa daagalka u dhaxeeya Puntland iyo soomaaliland,sidoo Puntland ula wareegi laheyd deegaanada ka magic gacantooda iyo sidoo kale doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan deegaanada Maamulka Puntland.

Xildhibaanada ayaa iyana waxa ay aragtiyo kala duwan ka dhiiban doonaan xaaladaha ku soo kordhay Puntland sida dagaalka gobolka Sool ee u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor