Madaxweynaha Puntland oo Maamul Cusub u Magacaabaya Gobolka Karkaar

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu Magacaabo gudoomiyaha Gobolka Karkaar ee deegaanada Puntland.

Mudane gaas, oo weli ku maqan Xajka ayaa markii uu dib ugu soo laabtay Puntland la qorsheynayaa in uu Maamul Cusub u Magacaabo gobolka Krkaar kaidb markii gudoomiyihii Gobolkaas loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Dad badna oo doonaya in ay noqdaan gudoomiyaha Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa la sheegay in ay gudbiyeen Codsiyo kala duwan balse waxaa la sheegay in Cabduweli Gaas, uu iminka Gacanta ku hayo ruuxii uu Magacaabi lahaa.

Ilo Wareedyo ku dhow Madaxtooyada Puntland ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in talaabada Koowaad ee uu Cabduweli Gaas qaado markii uu ka yimaado dalka Sacuudiga ay noqon doonto Magacaabistaas

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media