Madaxweynaha Peru oo si Deg deg u magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub

Madaxweynaha Peru, Pedro Castillo ayaa maanta wasiirka koobaad ee dalkaasi u dhaariyay haweeneyda lagu magacaabo Mirtha Vasquez, markii uu dhowaan is casilay Ra’iisul wasaarihii hore.

Magacaabistan deg-degga ah ayaa timid markii ay saacado ka hor is wada casileen R/wasaarihii hore Guido Bellido iyo dhammaan golihii wasiirrada ee dowladda Peru.

Madaxweynaha ayaa sheegay in durba ay xukuumaddu soo magacawday qaar ka mid ah golaheeda Wasiirrada, si loo dardar geliyo howlaha hor yaalla dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor