Madaxweynaha oo xalay ku hoyday Beled-weyne, maantana kulamo la leh Reer Hiiraan.

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay ku hoyday magaalladda Beled-weyne oo uu shalay gaaray.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehliyaan Madax ka kala tirsan Labada Gole iyo Mas’uuliyiin kale waxa maanta u qorsheysan inuu Kulamo kala gaar ah la yeesho Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan, Siyaasiyiinta iyo Taliska Ciiddanka AMISOM.

Madaxweyne Xasan oo shalay la hadlay Reer Hiiraan waxa uu uga mahadceliyey sida wanaagsan oo ay isaga iyo Wafdigiisa ugu soo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Dhinaca kale, Booqashadda Madaxweynaha ayaa ku salaysan sidii uu Odayaasha Dhaqanka iyo Madaxda Gobalka Hiiraan uga hadli lahaa qorshaha Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha waxa uu ku iclaamiyey in Shirkaasi lagu qaban doono magaallo-madaxda Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar, isla markaana Degmadda Buulo-burde tahay Caasimadda KMG ee Dowlad-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Qaar ka mid ah Odayaasha Reer Hiiraan ayaa ka hadlay Bareerahooda ku aadan Kulankaasi, waxayna saluugeen in gogosha la dhigo magaalladda Jowhar.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor