Madaxweynaha oo ugu baaqey waddamada Carabta inay maalgashadaan Soomaaliya, suuqyadoodana u furaan badeecadaha Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xaflad quraac ah xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay danjireyaasha waddamada Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa danjireyaasha uga warbixiyey xaaladda siyaadeed ee dalka, qorshaha dhismaha iyo isku dhafka ciidammada, adeegyada bulshada, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

“Waxaan idin kaga mahadcelineynaa sida aad mar walna inoo garab taagan tihiin, welina waan u baahanahay inaad sii waddaan taageeradiina. Gobollada Soomaaliya oo dhan waa kuwo kheyraad kala duwan leh, sidaa darted waxaan idinka codsaneynaa inaad maalgashi ku sameysaan dalka, isla markaana aad badeecadaheena u furtaan suuqyadiina, waayo waxay taasi naga caawineysaa inaan sameyno dib u kabasho dhaqaale oo waxtar leh’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjireyaasha waddamada Carabta oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan horumarka siyaasadeed iyo dib u dhis ee Soomaaliya ka socda, ayna waddamadooda sii wadi doonaan la shaqeynta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

–DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

IB0A6713

IB0A6726

IB0A6675

IB0A6677

IB0A6663

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor