Madaxweynaha oo soo dhoweeyay Hoggaamiyaasha Dhaqanka ee gobolka Hiiraan ee ku biiray shirka magaalada Jowhar

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay shalay magaalada Beled Weyne kaga dhawaaqeen ilaa toddoba beelood oo ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan oo oggolaaday inay dib ugu biiraan shirka ka socda magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo doorkeedu yahay fududeynta iyo taageerada barnaamijka baahinta xukunka ay si diiran u soo dhoweyneyso tallaabadan geesinimada leh ee ay maanta ku dhawaaqeen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

“Aad baan ugu faraxsanahay in tallaabadan horay loogu dhaqaajinayo geeddi-socodka dhismaha maamulka labadan gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Marnaba kama daaleyno inaan shacabka ku dhiirigelino inay wadahadlaan, aayahoodana ka tashadaan. Dowladda waxay sii wadeysaa dadaalkeeda ku aaddan in shirka ka socda Jowhar uu noqdo mid loo dhan yahay, isla markaana qeybaha maqan loogu bishaareynayo in albaabada wadahadalka ay mar walba u furan yihiin’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muhiim ay tahay in goob kasta oo dalka ka mid ah ay ka jirto maamul lagala xisaabtamo arrimaha amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada, sidaa darteedna gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay dan ugu jirto inay yeeshaan maamul u horseeda horumar, nabad iyo barwaaqo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa isna dhankiisa soo dhoweeyay tallaabada beelahan ay dib ugu soo biirayaan shirka ka socda Jowhar, waxaana uu ballanqaaday in dowladdu ay ka shaqeyn doonto sidii qeybaha weli shirkaasi ma maqan loogu qancin lahaa ka qeybgalka shirka muhiimka ah ee Jowhar ka socda.

Odayaasha dhaqanka ee maanta ku dhawaaqey tallaabada dib ugu biirista shirka ayaa sheegay inay maalinta beri ah si rasmi ah ugu ambabaxayaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa saddexdi sanno ee ugu dambeysay dadaal ugu jirtey fududeynta iyo taageerada dhismaha maamullada dalka, iyadoo ku guuleysatey dhismaha maamullada Koonfuur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor