Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aankii Golaha Wasiirada ee xoojinta amniga magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay go’aamadii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee la xiriiray amniga magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo horkacayey kulamo deg-deg oo ay yeesheen Golaha Wasiirada saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, laguna gorfeynayey tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo amniga, ayaa ku bogaadiyey Golaha Wasiirada sida deg-degga ah ee ay u soo diyaariyeen talooyin wax ka tari kara amniga caasimadda.

Go’aamada ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka mid ah in ciidammada booliska iyo nabadsugidda ee heer gobol ay door weyn ku yeeshaan amniga magaalada Muqdisho, iyado hawshaasina ay kala shaqeyn doonaan maamulka gobolka Banaadir, degmooyinka, iyo bulshada.

Waxaa qodobada go’aamadaasi ku xusan ka mid ah xakameynta hubka lagu dhex wato magaalada.

Golaha Wasiirada ayaa iyaguna si dhow ula shaqeyn doona maamulka gobolka iyo degmooyinka gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago shirqoolada iyo carqaladaha ay wadaan kooxaha nabadda ka soo horjeeda.

————————– DHAMMAAD———————————–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor