Madaxweynaha oo shir guddomiyay shirka hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Johannesburg ku shir guddoomiyay kulan uu isugu yeeray hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada nabad ilaalinta ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkan waxaa ka soo qeybgaley hoggaamiyeyaasha dalalka Kenya, Ethiopia, wakiillo ka socdey dalalka kale ee ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya, Madaxa Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, Ismail Chergui, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya , Maman Sidikou, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay iyo diblomaasiyiin kale.

Kulankan oo gaar ka ah shir madaxeedka 25-aad ee Midowga Afrika, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadal uu ka jeediyay waxaa u uga mahadceliyey waddamadaasi sida ay naftooda ugu hureen samatabixinta shacabka iyo dalka Soomaaliya, isagoo dhanka kalena ka warbixiyey xaaladda dalka, iyo baahida loo qabo in ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay yeeshaan iskaashi dhow iyo isku dubbarid wanaagsan dhanka hawlgalladooda.

“Waxaan ku sii siqeynaa sannadka 2016 oo aan dooneyno inuu waddankeena hore u sii dhaqaaqo, si taasi loogu najaxana waxaan dooneynaa inaan xorreyno qeybaha yar ee weli ku harsan gacanta cadowga, taasina waan ku guuleysan karnaa haddii aan mideyno awooddeenna dhan kasta. Al Shabaab dhibaato kuma hayso Soomaaliya oo keliya, balse waxay dhibaatadooda ku fidiyeen dalalka gobolka , waxaana la inooga fadhiyaa inaan dadaalkeena kordhino, degdegna aan uga sifeyno Soomaaliya iyo gobolka oo dhan’’, ayuu yiri madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey muhiim inay tahay in waddamada gobolka ay iska kaashadaan dhanka xog is- weydaarsiga, isla markaana beesha caalamka ay labanlaabto taageerada dhinaca maaliyadda iyo saadka ee ay u baahan yihiin ciidammada AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa soo dhoweeyay hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sidoo kalena sheegay in dalalkooda ay ka go’an tahay inay taageeraan Soomaaliya, si loo ciribtiro argagixisada, nabad waartana looga dhaliyo guud ahaan gobolka.

Dowladda Uganda ayaa iyana shirkaasi ka sheegtay diyaar inay u tahay inay ciidammo dheeri ah u soo dirto Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan hawlgallada muhiimka ah ee lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
Johannesburg, Koonfuur Afrika

IB0A1668

IB0A1659

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor