Madaxweynaha oo saxiixay Sharciga Ka-hortaga Lacag dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu bishan 21-dii saxiixay Sharciga looga hortegayo Lacagaha iyo Maalgelinta Argagixisadda ee AML/CFT.

Sharcigaasi waxaa  bishii December 26-dii ee sannadkii hore ansixiyey Xildhibaanadda Barlamaanka Somalia, iyadoo Sharcigaasi yahay dadaal muddo sannad qaatay oo ay ku hawlanaayeen Bangiga Dhexe ee Somalia iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federalka Somalia.

Sharciga ka hortaga lacag dhaqidda (dhaqidda lacagaha been abuur ah ee doolarka) iyo maalgelinta Argagixisada ee uu Madaxweynuhu saxiixay waxa uu awood siinayaa bankiga dhexe ee dowladda, si ay u qaabeeyaan hanaanka maaliyeed ee dalka iyo la socodka dhaq dhaqaaqa maaliyeed ee dalka.

Shaqada uu bankiga qabanayo waxaa ka mid ah:-

  • In la hubiyo qofka lacagta soo diraya, si loo hubiyo cidda ay ku socoto lacagta, haddii uu shaki yimaado.
  • In la hubiyo wixii shaki gala iyo qaabka looga soo warbixiyo.
  • In macluumaadka u qofka soo gudbiyo ee arrimaha lacagta ku saabsan la ogaado iyo
  • In uu sameeyo xarun loogu warbixiyo arrimaha dhaqaalaha.

Dhinaca kale, Sharciga AML/CFT waxaa lagu soo qoray taageero katimid Hay’adda UNDOC, iyadoo lala tashanayo Hay’addaha ay khuseyso Dowladda Somalia iyo sidoo kale Beesha Caalamka.

Sharcigan waxay raacaysaa Shuruudaha iyo Talooyinka Ciiddanka Hawlaha Maaliyadda ee The Financial Action Task Force (FAFT).

Sidoo kale, sharciga AML/CFT waxa uu qeyb ka yahay dadaalka ballaaran ee uu Bangiga Dhexe ee Somalia ku nidaaminayo Waaxda Maaliyadda iyo in la dhaqdhaqaaqyo Caalami ah oo ay ku jiraan Xawaaladaha Dibedda.

 

Tallaabooyinka kale ee Bangiga Dhexe ee Somalia waxaa ka mid ah : Horumarinta siyaasadaha , xeerarka , nidaamyada , tilmaamaha iyo jaangoynta warbixinta Nidaamka Lacag-bixinta, Ballan-qaadka ay ku jiraan dib u habaynta hay’adaha khayraadka aadanahaSi kastaba ha ahaatee, Bankiga dhexe ee Somalia waxa uu wadayaa dadaallada ku aadan hay’adaha dhanka dhaqaalaha ee dowladda iyo lana xoojiyo xirirada u bankiga la leeyahay hay’adaha kale ee dunida.

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor