Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan guusha Xisbiga Conservative uu ka soo hoyey doorashada Britain u direy Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr David Cameron. ‘’Anigoo ku hadlaya Magaca Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaad iga guddoontaa hambalyo diiran adiga iyo xisbigaaga, gaar ahaan guushan weyn ee aad soo hoyseen ee kuu suurageliyey in mar labaad laguu doorto jagada ra’iisul wasaarenimada’’. Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay cashar ka barteen doorashadan , maadaama la isku diyaarinayo in markii ugu horeysey dalka Soomaaliya ay doorashooyin ka dhacaan sannadka 2016 muddo dheer kadib. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in labada dal xiriirkooda uu sii xoogeysan doonno, isla markaana Britain ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya. —DHAMMAAD— Daud Aweis |
Trending
- Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 4/07/2022
- Ciidamada Ukraine oo wajahaya dagaaladii ugu adkaa ee kaga imaanaya Ruushka
- Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle?
- Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 4/07/2022
- Ra’iisul Wasaare Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
- Xasan Sheikh Maxamuud oo kulamo siyaasadeed ka billaabaya Turkiga
- Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 4/7/2022
- Madaxweyne Siciid Deni oo dib u magacaabay Maxkamadda Sare
- Ruushka iyo Bulgaria oo Isku khilaafsan arrin ku aaddan dagaalka Ukrine
- Xubnahii magacaawnaa ee Maxkamadda sare oo Waayay kalsoonida Wakiillada Puntland
Related Posts