Madaxweynaha oo kulan looga hadlay doorashada laqaatay Xildhibaanada Labada Aqal ee Kismaayo lagu doortay.

Kismaayo, 06 December 2016- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Kismaayo xildhibaanada labada Aqal ee dhowaan lagu doortay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa marka hore ugu hambalyeeyey guushii ay ka gaareen doorashadii dhacday magaalada Kismaayo . Madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay Xildhibaanada Labada Aqal ee Kismaayo lagu doortay inay ka shaqeeyaan danaha shacabka kalsoonida siiyey iyo mida guud Qaranka ee loo wakiishay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay guulo waa weyn ay tahay in maanta dadka Soomaaliyeed iyaga oo jooga degaanadooda ay doorteen shaqsiyaadka wakiilka uga noqon lahaa danahooda degaan iyo mida Qaran .

Madaxweynaha oo la hadlayey Baarlmaanka labada Aqal ee Kismaayo lagu doortay ayaa yiri” Shacabka aad wakiil uga noqeysaan Baarlamaanka oo idinku aaminay inaad wakiil uga noqotaan danaha Qaranka ayaa idin ka sugaya waajibaadkiina . Allaah ayaa mahad leh maanta waxay Soomaaliya mareysaa in dad heerarkooda kala duwan oo ay iyagu wakiisheen u doortaan danahooda, oo haddii ay Baarlamaan dowlad Gobolleed iyo madaxdooda tahay ee ay shacabka degaanka u doorteen in ay ka shaqeeyaan amuurahooda heer degaan iyo haddii mid heer Qaran tahay oo ay idinku idin doorteen si aad ugu matashaan amurahooda Soomaaliya oo dhan kala dhaxeeya sidaa darteed waa horumar weyn oo ay Soomaaliya gashay”

“Dhismaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland, waxay keentay wax lagu farxo oo ah in siyaasiyiin badan oo idin ka mid ah in ay yimaadeen degaanadooda oo ay xildhibaano u soo doonteen kuna guuleysateen. Kaliyah doorasho maaheyn waxa ka dhacay Kismaayo ee waxaa la socday dib u heshiisiin maadaama dadkii degaanada Jubbaland ay Kismaayo isku yimaadeen, si nabad iyo dimuqraadiyad ahna isku doorteen, si la mid ah dorashooyinkaan dib u heshiisiinta la socoto waxay ka dhacayaan magaalooyinka Maamul Gobolleedka dhistay sida Baydhabo, Cadaado iyo Jowhar” ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlayey Xildhibaanada labada Aqal.

Ugu dambeytii Madaxweynaha ayaa mid mid uga jawaabay Xildhibaanada su’aalo ay weydiiyeen iyagoona ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh waxqabadkiisa afarta sanno iyo horumarka dhan walba leh ee uu gaarsiiyey Qaranka Soomaaliyeed.

Sawiro

1

3

4

5

6

8

22

70

9

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor