Madaxweynaha oo ka soo laabtay Shirkii Wada-tashiga ee Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaley galab dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Kismaayo kaga soo qeybgaley Madasha Wadatashiga Qaranka ee looga hadlayey nooca doorasho ee dalka ku habboon.

Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Wadatashiyada madaxda ayaa lagu wadaa in dhowaan ay halkoodii ka sii socdaan sii loo helo aragti mideysan oo ku saabsan doorashada ka dhacaysa dalka sannadkan.

–DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor