Madaxweynaha oo ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Qaramada Midoobay ee dhinaca Maalgashiga Mashaariicda Horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeenn hoggaamiyeyaasha caalamka , wakiilo ka socda dowladaha, hay’adaha caalamiga ee dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga, ayaa waxaa si rasmi ah u furey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban Ki Moon.

Waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa qaabka loo tayeyn karo maalgashiga ku baxa dhinaca horumarinta, iskaashiga dhaqaalaha caalamiga iyo in la sameeyo qaab looga hortago falalka canshuuraha lala goosto oo saameyn weyn ku yeesha dalalka soo koraya.

Waxaa kale oo shirkan caalamiga ah looga doodi doonaa horumarinta adeegyada canshuur uruurinta ee caalamka iyo xakameynta lacagaha sida sharcidarrada ah la isugu gudbiyo caalamka oo dhan.

Waddamada Afrika ee shirka ka qeybgalaya ayaa dalban doona qaabab cusub oo lagu horumarin karo dhaqaalahooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad.

–DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: [email protected]
Addis Ababa, Ethiopia

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor