Madaxweynaha oo ka qeyb galay Xafladda 72-guuradii ka soo wareegtay Aasaaskii Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed

Munaasabad Qaran oo lagu weynaynayo 72-guuraddii ka soo wareegtay Aasaasjkii Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Barxadda Dugsiga Sare ee Boliska ee Jeneral Kaahiye (Ex-scoula Polizia) ee magaalladda  Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal, Saraakiil, Marti sharaf  iyo dadweyne aad u fara badan ayaana ka soo qeyb galay Munaasabadaasi.

Madaxweynaha waxa uu Salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Qeybaha Boliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay Gaad-ka-ciyaar iyo Awood Ciiddan.

Madaxweynaha waxa uu ugu hambalyeeyey Saraakisiah, Saraakiil-xigeennadda, Aliflyda, Dableyda Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed iyo Xaasakooda, wuxuuna u rajeeyey Horumar iyo Baraare.

Munaasabaddaasi waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo salaan sharf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaaliyeed, isagoo hambalyo u diray saraakiisha. saraakiil xigeennada, Alifleyda, dableyda iyo xaasaskooda, wuxuuna u rajeeyay horumar iyo baraare.

Kooxda fanaaniinta Heegan ayaa soo bandhigtay Riwaayad ka tarjumeysay waxqabadka ciidanka, taasi oo ay aad u jecleysteen dadkii ka soo qeyb galay  xafladda.

DAAWO SAWIRRADDA:-

police 11

police 17 police 15
police 13 police 12police 10 police 1 police0000 police 19 police 21 police 2 police 25 police 24 police 22 police 3 police 27 police 26 police 32 police 8 police 9 police16

© Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor