Madaxweynaha oo jaaliyadda Soomaalida ee Koonfuur Afrika ugu baaqey inay xoogga saaraan horumarka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Habeen hore magaalada Johannesburg kula kulmey jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Koonfuur Afrika, oo halkaasi ku qabtey xaflad ay ku soo dhoweynayeen Madaxweynaha iyo wafdigii la socdey.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaaney Soomaalida ku dhaqan Koonfuur Afrika, sida ay uga dhex muuqdaan bulshada kale ee waddanka ku dhaqan, gaar ahaan dhinaca ganacsiga.

“Haddii aad kordhisaan dadaalka hadda idinka muuqda waxaan shaki ku jirin inaad saameyn weyn ku yeelan doontaan mustaqbalka Soomaaliya. Reer Koonfuur Afrika way idin soo dhoweeyeen, idinkana waxaa la idin ka doonayaa inaad xishmeysaan, nabadna kula noolaataan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay inuu ka warhayo dhibaatooyinka mararka qaar la soo gudboonaada Soomaalida ku nool Koonfuur Afrika, isla markaana ay dowladda Soomaaliya wadashaqeyn dhow la leedahay dowladda Koonfuur Afrika si arrimahaasi xal loogu helo.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu jaaliyadda Soomaalida uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo horumarka uu waddanka sameynayo colaaddii sokeeye kadib.

Xubnaha jaaliyadda Soomaalida ee Koonfuur Afrika ayaa iyaguna halkaasi Madaxweynaha ku siiyey warbixinno la xiriira xaaladahooda nololeeda iyo caqabadaha mararka qaar la soo gudboonaada.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

IB0A2798

IB0A2991

IB0A3120

IB0A2752

IB0A2744

IB0A3159

IB0A2831

IB0A3030

IB0A3076

IB0A3335

IB0A3224

IB0A3295

IB0A3203

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor