Madaxweynaha oo haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda 8-da Maarso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 8-da Maarso awgeed ee maalinta haween weynaha caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay door wax ku ool ah ka soo qaateen horumarka dalka, iyagoo safka horey kaga jirey halgankii xornimadoonka, dib u heshiisiinta ummadda, nabadeynta, wax soo saarka iyo horumarka dhinacyadiisa kala duwan.

“Cidna ma dafiri karto doorka shariifka ah ee haweenka Soomaaliyeed, xuquuqda haweenkuna waxay ku caddahay qur’aanka kariimka. Waxaan sannadkan ugu bishaareynayaa in markii ugu horeysey la dhaqan gelin doono qoondada ay ku leeyihiin baarlamaanka oo ah boqolkiiba 30 , iyagoo sidoo kale heli doona tixgelin qeybaha kala duwan ee adeegyada dowladda iyo bulshada’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in si bulsho horumar u gaarto ay lagama maarmaan tahay in haweenku ay helaan xuquuqdooda oo dhameystiran, sida waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in Dowladda Soomaaliya si buuxda u taageersan tahay, qaybna ay ka tahay Ololaha Ururka Midowga Afrika ee dhimista ama yareynta hooyooyinka naftooda ku waaya xiliga dhalmada- Accelerated Reduction of Maternal Mortality in Africa (CARMMA) .

“Adeegyadeenii caafimaad inkastoo aanay weli gaarin heerkii laga rabey, hadana horumar la taaban karo ayaa jira oo dalka qeybihiisa kala duwan waxaa ka furan xarumo lagu daryeelo haweenka iyo dhallaanka, dowladduna waxay dadaal ugu jirta in la helo adeegyo caafimaad oo tayo leh’’.

Dhanka nabadgelyada, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in haweenku ay kaalin wanaagsan ka qaataan nabadeynta iyo sugidda ammaanka, iyagoo qeyb ka ah ciidammada kala duwan ee qalabka sida, waxaana uu ku booriyey inay meesha ka sii wadaan la shaqeynta iyo taageerada laamaha amniga ee dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor