Madaxweynaha oo gaaray Kismaayo  iyo Shirka Wada-tashiga Qaranka oo mar kale dib u dhacay.

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne-ku-xigeenka Labaad ee Jubbaland, Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaallo-madaxda Gobalka J/hoose ee Kismaayo.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Jawaari, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa uu Guriga Martida ee magaalladda Kismaayo kulamo gaar-gaar ah kula leeyahay Madaxda Dowlad-gobaleedyadda oo ay isla eegayaan Ajendayaasha horyaalla Shirka  Golaha Wada Tashiga Qaranka oo lagu wado inuu ka furmo Kismaayo.

Warar aynu ka soo xiganay ilo muhiim ah oo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay inuu Shirkaasi furmi doono berri subax, iyadoo ay dhamaan Ergooyinka ku wada sugan yihiin Kismaayo.

Dib-u-dhigistaasi  ayaa lagu sheegay in looga dan leeyahay sidi iay Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad-gobaleedyadda u yeelan lahaayeen Shirar La-tashi ah oo lagu mideynayo Aragtiyaha ku aadan Ajendayaasha ugu muhiimsan ee lagu  lafaguri doono Shirkaasi.

Hoggaamiyayaasha ayaa ku kala qeybsan Nidaamka ay u dhici doonto Doorashooyinka Qaranka iyo Qaabka Awood-qeybsiga Xilalka Qaranka.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor