Madaxweynaha oo furay Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta si rasmi ahaan magaaalladda Jowhar uga furay Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galaya Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin, Odayaal Dhaqameed, Waxgarad iyo Ururradda Bulshadda ee ka kala socda Dowladda Federalka iyo Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Furitaanka Shirka waxa uu ku dheeraaday Qorshaha Dowladda Federalka ee Baahinta Nidaamka Federalka, isagoo sheegay in loo baahan yahay inay Goballadda dhistaan Maamul Federal oo ay u waada dhan yihiin.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda diyaar la tahay dhamaan wixii Tas-hiilaad ah ee kaabaya Habsmai-u-socodka Shirka.

Ergooyin badan ayaan Hoolka Shirka buuxiyey, kuwaasi oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Musharixiin iyo Ergooyinka Goballadda ee ka qeybgalayo Shirkaasi, oo la filayo in lagu soo doorto Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

©Radio Dalsan          

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor