Madaxweynaha oo furay shir ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya

Muqdisho, 09 December 2015:

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir laba maalmod socon doona oo ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka iyo muhimadda ay leedahay in si hufan loo dhiso hay’adaha, isla xisaabtanna uu jiro, arinkaas oo uu sheegay inay sal u tahay in dhidibada loo taago hannaan dowladeed oo mustaqbalka waxtar u leh Soomaaliya.

“Waxaan u baahanahay inaan hoos ka soo dhisno dhaqanka dowladnimada iyo ku shaqeynta sharciga iyo kala dambeynta. Shacabkeena waxay soo mareen waayo mugdi ah oo keenay in la kala aamin baxo. Hawsha inoo taalla ma ahan mid yar, ee waa inaan u wada istaagnaa sidii aan dib kalsoonidii dadka ka dhexeysey u soo celin lahayn, dalkana aan ugu sameyn lahayn dowlad tayadeedu ay sareyso’’.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay inay jiraan caqabado isku wada xiran oo u baahan in xal guud loo helo , isagoo tusaale u soo qaatey sida ay mar walba isugu xiran yihiin horumarka, amniga iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beesha caalamka ku ammaanay taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay, balse loo baahan yahay in waddanka laga caawiyo waxyaabaha muhiimka ah ee dib u dhiska dedejin kara.
“Ma jiro dal dunida ka mid ah oo intuu burbur ku dhacay soo kabtey, iyadoon kaalmo caalami ah la siin. Hadaan nahay Soomaaliya waan qireynaa in wax la inoo qabtey, laakiin waxaan doonaynaa in tixgelin gaar ah nala siiyo, iyadoo loo eegayo baaxadda dhibaatada nagu dhacday iyo waqtigan la joogo oo wax badan ay is beddeleen’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in si dhaqaalaha horey loogu mariyo ay lagama maarmaan tahay in la kobciyo kaabeyaasha dhaqaalaha, lana taageero qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku hawlan ganacsiga, beeraha, kalluumeysiga iyo adeegyada kale ee wax soo saarka dalka.

Waxaa uu intaa ku darey in muhiim ay tahay in dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo iyo barashada xirfado kala duwan, isagoo dhanka kalena xusay in qoriga caarraddiisa oo qura aanu xal u ahayn dhibaatooyinka dhinaca amniga.

“Waxaa waajib inaga saaran yahay inaan xooogga saarno laba arrimood oo kala ah dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarinta dhaqaalaha. Dhalinyaradeeda intooda badan qoriga ayay noloshooda ka raadsadaan, ha noqdeen ciidan ama kuwo la shaqeeya kooxo fal dembiyeed wada. Waa inaan dhalinyaradeena fursad u siinnaa inay dib u dhiska dalkooda kaalin ka qaataan. Waana inaan maanka ku haynaa in mustaqbalkeena uu ku xiran yahay hadba waxa aan haatan beerano’’.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha sheegay in dhibaatada Soomaaliya ku habsatey inteeda badan loo aaneynayo siyaasad xumo, si taasi looga gudbana loo baahan yahay in siyaasadda waddanka ay dejiyaan dadka aqoonta u leh, ee ay ka go’an tahay inay waddankan ka saaraan marxaladda adag ee uu ku jiro.

Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Mr Nicholas Kay, Wakiilka Baanka Adduunka ee Soomaaliya, Hugh Riddle, madaxda hay’adaha HESPI iyo ASAL ee soo abaabulay shirkan, Ali Issa Abdi , Raxma Axmed , mas’uuliyiin, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

shir 2 shir 3 shir 4 shir 1

—DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor