Madaxweynaha oo Ergeyga Qaramada Midoobay kala hadley Hiigsiga 2016

SOM

Madaxweynaha oo Ergeyga Qaramada Midoobay kala hadley Hiigsiga 2016

 Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbiley Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay.

Madaxweynaha iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadley horumarka laga sameeeyay barnaamijiyada hiigsiga 2016, dhameystirka dhismaha maamullada gobollada, nabadgelyada, tababarka ciidammada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in horumar weyn laga sameeyey sidii maamul loogu sameyn lahaa gobollada dhexe,iyadoo gobollada dhimanna hawshooda dhowaan la gudageli doono.

Danjire Kay ayaa isna soo dhoweeyay horumarka laga sameeyey dhismaha guddiyada madaxa banaan ee ku hawlan barnaamijyada hiigsiga 2016, isagoo sidoo kale xusey in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ay mar walba diyaar u yihiin taageerada Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor