Madaxweynaha oo ka soo laabtey Boosaaso

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu booqasho ku tegay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Boosaaso ka qeybgaley furitaanka Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, munaasabadda sannad guuradii 2-aad ee ka soo wareegtay markii uu talada Maamul Goboleedka Puntland uu qabtey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Gaas iyo kulamo kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Boosaaso kula kulmay madaxda Puntland, odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada, salaadiinta iyo siyaasiyiinta oo ay ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya iyo Hiigsiga 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa intaanu ka soo ambabixin Boosaaso kormeer ku tegay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika, halkaas oo uu kula hadley ardeyda, macallimiinta iyo madaxda jaamacadda.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubnaha labada gole iyo mas’uuliyiin kale.

m4 m3 m2 m5

©Radio Dalsan         

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor