Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib markii uu socdaalkii ku tegay Kenya.

Muqdisho, 28 January 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Eldoret ee dalka Kenya kaga soo qeybgaley baroor-diiq qaran oo loo sameeyay askartii dhowaan degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo looga dilay Kenya.

Munaabadaasi oo sidoo kale ay ka soo qeybgaleen Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, ayaa khudbad uu ka jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu xusey in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Kenya, dagaalka lagula jiro argagagaxisada.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.

MD1 MD2 MD6 MD5 MD4 MD3

 

————————DHAMMAAD————————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor