Madaxweynaha oo dalka ku soo laabtey kadib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 25aad ee Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa Shalay dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 25-aad ee Midowga Afrika oo lagu qabtey magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika.

Shir Madaxeedka oo socdey muddo laba maalmood ah (14 ilaa 15 June, 2015), ayaa gabagabadiisa waxay hoggaamiyeyaasha isku raaceen dardargelinta ajendaha 2063 ee horumarinta haweenka, xal u raadinta xasaradaha ka aloosan qaaradda sida dagaalka Koonfuurta Suudaan, xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Burundi, arrimaha la dagaalanka argagixisada, iyo horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Intii uu shirka socdey ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu shir guddoomiyey shir ay ka soo qeybgaleen waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu kulamo la yeeshay hoggaamiyeyaasha Afrika qaarkood, wakiillo ka socdey Mareykanka , Qaramada Midoobay iyo kuwo kale.

Shir madaxeedka sannadkan ayaa waxaa sidoo kale looga hadley in Soomaaliya ay dhowaan bilowdo bixinta qaaraanka kaga soo aada miisaaniyadda Midowga Afrika, sidii ay hore u ahaan jirtey, isla markaana ay Soomaaliya si buuxda u heli doonto dhammaan fursadaha ay waddamada kale ka helaan ururka.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ka sokow, waxaa kale oo uu Madaxweynaha goob joog ka ahaa heshiis iskaashi oo ay kala saxiixdeen Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha Witwatersrand iyo Vaal University of Technology ee dalka Koonfuur Afrika. Heshiiskaasi waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr Maxamed Axmed Jimcaale.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

IB0A3638

IB0A3705

AU-PHOTOGROUP

IB0A3654

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor