Madaxweynaha oo dalacsiiyey Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Ciiddamadda.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, ahna Taliyaha Guud ee CQS ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu min hal darajo dallacsiiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee CQS.

dalacaadWareegtadda ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu xusay in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS, Liibaan Cali Yarow oo horey G/sare u ahaa, haatan laga dhigay Sarreeye Guuto.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee CQS, Xasan Cali Shuuto oo horey darajadiisu u ahayd G/dhexe waxaa haatan laga dhigay G/Sare ama Kolonel.

 Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa uu Labadaas Sarkaal ku ammaanay Hawlkarnimadooda, wuxuuna ugu baaqay inay sii kordhiyaan dadaalka ay ugu adeegayaan Garsoorka Maxkamadaha CQS.

©Radio Dalsan