Madaxweynaha oo Ciidammada Nabadsugidda ugu hambalyeeyay sannad guuradii 46-aad ee ka soo wareegtay tan iyo markii la aasaasay

Muqdisho, 10 January 2016: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo u dabaaldegayaa sannad guuradii 46-aad tan iyo markii dhidibada loo taagey.

Madaxweynaha oo xalay ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo ka dhacdey xarunta Nabadsugidda Qaranka ee magaalada Muqdisho, ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxaa uu ammaan u soo jeediyay NISA iyo sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaaleen waajibaadkii loo igmadey.

“Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ammaan, bogaadin iyo wanaag ayay mudan yihiin. Waa ciidan uu waajibaad badan saaran yahay, una taagan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed. Waa jirtaa in markii hore fikir khaldan laga haystey, xilligii dowladdii hore ee kacaanka, laakiin haatan dib u habeyn ayaa lagu sameeyay, waxaana mabda’iisa koowaad uu yahay dhowrista xuquuqda aadanaha iyo u adeegidda qaranka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu intaa ku darey in NISA ay door weyn ka qaataan sugidda amniga, iyagoo si buuxda ula shaqeeya qeybaha kale ee Ciidammada Qalabka Sida.

Mar uu ka hadlayey dhanka arrimaha siyaasadda, waxaa uu Madaxweynaha sheegay in fashilka ugu weyn ee sababey burburka Soomaaliya ay tahay dhanka siyaasadda.

“Waddankeena waxaa uu ahaa mid xooggan oo dunida inteeda kale ka tilmaaman. Laakiin siyaasad xumo awgeed ayaa burbur xooggan uu ina soo wajahay. Waxaan haysanaa fursad aan ku abuurno siyaasad saliim ah oo wax dhisaysa. Waxaa nagu habsadey dhibaato kheyrul caadi ah oo aan dunida kale ka jirin, una baahan xal u gaar ah. Wax badan ayaa inoo qabsoomey , welina waan soconaa. Waa wax laga xumaado inay jiraan kuwo dafirayaa in wax la qabtey, waxaana u arkaa kuwaasi inay yihiin kuwo aan dooneyn inay Soomaaliya horey u dhaqaaqdo’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in nidaam federal ah uu dal ka qaatey, ujeeddada laga leeyahayna ay tahay in xukunka iyo adeegyada aasaasiga la baahiyo.

“Nidaamka federaalka aan qaadanay waa nagu cusub yahay, laakiin waxaan isla qireynaa inuu yahay mid dawo u noqon kara dhibaatooyinkii horey noogu habsadey. Talada dalka iyo xukunka waa mid Soomaali oo dhan ay ka dhexeyso, qof walbana wuxuu xaq u leeyahay in si dimoqraadi ah uu waddankan uga taliyo haddii la soo doorto, marka xiligiisa uu dhammaadana ay la gudboon tahay inuu kursiga baneeyo’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha kala duwan ee amniga, si waddanku uu uga gudbo heerka dib u soo kabashada oo loo hiigsado horumar buuxda.

Madaxweynaha ayaa munaasabaddaasi awgeed waxaa uu xarigga ka jarey mashaariic ay ka mid yihiin isbitaal gaar u ah NISA.
MD2 MD4MD1

MD3

—- DHAMMAAD—–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor