Madaxweynaha oo cambaareeyay weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Brussels

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa cambaareeyay weerarada waxashnimada ah ee ay magaalada Brussels ka geysatey kooxda argagixisada ee Daacish.

“Waxaan dunida la wadaageynaa cambaareynta looga soo horjeedo weerarada bahalnimada ah ee dadka shacabka ah lagu qaaday ee ka dhacay Brussels. Waxaan murugada la qeybsaneynaa kuwa ehelkooda ku waayey falkan argagixiso, inagoo sidoo kale u tacsiyeyneynaa qoysaska ay saameynta ku yeesheen weeraradan. Waxaan garab taaganahay dowladda Belguim-ka dadaalka ay ugu jirto inay gacan u fidiso dadkeeda falkan xun ku waxyeeloobay’’.

Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay in Soomaaliya ay ka xun tahay sii socoshada weerarada lagu beegsanayo dadka shacabka ah.

“Ururka Daacish waxaa uu mar kale maanta laayey dad aan waxba galabsan. Waxaa kale oo uu weerarkan soo bandhigay in ururkan aanu u taagneyn wax aan ka ahayn inuu burbur iyo qarbudaad ka geysto caalamka. Si kulul ayaan u cambaareyneynaa falalkan guracan ee argagixisonimo ee Daacish ay ku kacayso. Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay dowladda Belgium,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa raaciyay in argagixisonimada ay tahay khatar caalami ah, oo u baahann si wadajir ah xil la isaga saaro la dagaalankooda, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ay falalka argagixisonimo saameeyeen, isla markaana ay si dhow beesha caalamka ugala shaqeyneyso sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha xagjirka ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor