Madaxweynaha oo booqday Xarumaha Ciidamada ee M/Kismaayo

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada Jubbaland madaxda Dowlad gobolleedka Jubbaland isagoo intaas kaddib Madaxweynaha loo dhaqaajiyay xarunta jaamacaddii hore ee magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku sugan yihiin taliska qaybta 43 ee  jubbooyinka

,Goobta waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka iyo taliska ciidanka daraawiishta Jubbaland ee qaybta 43 ee  ciidanka xoogga.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo goobta ka hadlay ayaa ka codsaday madaxweynaha Jamhuuriyadda in daryeel joogta ah la siiyo ciidamada jubbaland oo weli aan wax dahqalo ah ka helin dowladda Federaalka Soomaaliya.