Madaxweynaha oo bogaadiyey hawsha adag ee ay hayaan Ciidammada Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose

Madaxweynaha oo bogaadiyey hawsha adag ee ay hayaan Ciidammada Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay booqdey saldhigyada Ciidammada Xoogga Dalka ee ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu kula kulmey qaar ka mid ah ciidammada degaannadaasi ka hawlgala.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriirey u kuurgelid xaaladda ciidammada, dhiirigelin iyo bogaadin ku aaddan guulaha ay dhowaan ka soo hoyeen dagaallada ay la galeen cadowga Al Shabaab.

“Waan idin ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee aad cadowga u jebiseen. Naftiina ayaad u hurteen in aad waddanka difaacdaan, sharaftiisana aad soo celisaan. Dowladda iyo shacabkana intaas way idin og yihiin, waxaadna ku jirtaan jihaadka saxda oo ah mid aad dooneysaan inaad shacabkiina ku xorreysaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale amrey in dhammaan ciidammada Xoogga Dalka ee dhowaan cadowga kaga adkaadey goobaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose la siiyo dalacsiin, daryeelkooda iyo baahidoodana mar walba la tixgeliyo.

“Waxay dowladdu diyaar u tahay inay baahidiina haqabtirto, taasina waa waajib ina saaran. Geesiyaashii ku dhintey goobaha dagaalka waxaan caddeynayaa in carruurtooda daryeelka ay xaqa u leeyihiin la siin doono’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kula dardaarmey ciidammada inay adkeeyaan, isla markaana dhowraan akhlaaqda iyo xeerarka ciidanka, oo uu sheegay inay muhiim u yihiin ka guul gaarista waajibaadka saaran.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga, S/Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed,Taliyaha Ciidammada Xoogga, S/Guuto Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidammada Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

IB0A2973

IB0A3408

IB0A3418

IB0A3274

IB0A3039

IB0A2777

IB0A2917

IB0A3417

IB0A2897

IB0A2771

IB0A2788

IB0A2800

IB0A3465

IB0A2940

IB0A3386

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor